Want to create interactive content? It’s easy in Genially!

Get started free

Breathe Better at Home (Somali)

Delete - Climate & Health

Created on December 15, 2023

Start designing with a free template

Discover more than 1500 professional designs like these:

Project Roadmap Timeline

Step-by-Step Timeline: How to Develop an Idea

Artificial Intelligence History Timeline

Momentum: Onboarding Presentation

Urban Illustrated Presentation

3D Corporate Reporting

Discover Your AI Assistant

Transcript

Tayada Hawada Gudaha

“Ma ogtahay qof caadigaa wuxuu ku qaataa 90% waqtigooda gudaha, hawada gudahana waxay noqon kartaa 2 – 5 jeer mid ka xun hawada bannaanka?”

Tayada Hawada Gudaha (THG) waxay tilmaantaa xaaladda hawada gudaha iyo sida ay u saameyso caafimaadkeena iyo fayo-qabkeena. Maadaama hawado aysan lahayn qaab iyo ur toona, ogaanshaha waxyaalaha guud iyo dhaqdhaqaaqyada saameeya tayada hawada gudaha waa tillaabada koobaad ee lagu maareeyo khataraha iyo yareynta ilaha bukhuurka sumeysan ee gudaha gurigaaga kaasoo waxyeello daran u leh caafimaadkaaga. Macluumaadkaan wuxuu muujiyaa meesha bukhuurka sumeysan ee gudaha ka imaan karo iyo tillaabooyinka aad qaadi kartid si aad si fiican ugu neefsatid gudaha gurigaaga.
Tusmooyinka :

Kan waa buugyare waxbarasheed kugu caawiya hormarinta tayada hawada gudaha gurigaaga. Sawirrada dhinaca gadaale waxay muujiyaan ilaha qarsoon ee bukhuurka (wasakh/qiiq) hawada gudaha ee guriga kaasoo si xun u saameeya caafimaadkeena. Fur sawirrada laaban si aad u daahfurtid xalalka loogu talagalay yareynta waxyaalaha hawada wasakheeya ee qol kasta.

Bogagga oo dhan, ka raadi calaamadahaan. Calaamadda, ku dulqabo mouse-ka aaladdaada si aad u aragto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan siyaabaha aad u hormarin karto tayada hawadaada gudaha.

Mouse-kaaga ku dulqabo calaamadda si aad u aragto qolka leh tayada hawada fiicaan ee gudaha.

Calaamadaha oranjiga waxay muujinayaan ilaha walxaha (PM) keena wasakhowga hawada gudaha.

Calaamadaha buluug-madowga (purple) waxay muujinayaan ilaha maadooyinka asaligaa ee isbedela oo keena wasakhowga hawada gudaha.

Calaamadaha jaallaha waxay muujinayaan ilaha keena urta gudaha guriga

Hawada gudaha waxaa ka buuxi waxyaalo ishu arki karin oo ka qeybqaata bukhuurka sumeysan ee hawada gudaha wuxuuna noqon karaa mid ka xun hawada bannaanka.

Isticmaalidda hawo-sifeyn sida qalabka HEPA ee hawo-sifeynta waxay yareyn kartaa 99% waxyaalaha ishu qaban ee hawada ku jira.

Saameeynta Caafimaadka ee Tayada Hawada Liidata

Tayada hawada gudaha liidata waxay horseedi kartaa natiijooyin caafimaad muddo gaaban ama dheer sii jira. Tayada hawada gudaha waxay sidookale uga dari kartaa xaaladaha caafimaad ee horey u jiray. Dadka Ugu Nugul Waxyeellada: dhallaanka iyo caruurta, haweenka uurka leh, dadka 65 jira ama ka weyn, iyo kuwa qaba jirrooyin soo jirey.

Labo iLood oo Waaweyn ee Tayada Hawada Gudaha ee Liidata

“Busta” Walxaha Busta (PM) PM waxay caadi ahaan la xiriirtaa busta waxayna ka imaan kartaa dhogorta rabaayadaha , ubaxa geedaha, roogagga, dharka kuraasta, hawlaha sida huufarka, xaaqidda, iyo sigaar cabka.

Labo iLood oo Waaweyn ee Tayada Hawada Gudaha ee Liidata

“Kiimikooyinka” Walxaha Kiimikada (VOCs) VOCs waxay caadi ahaan la xiriiraan kiimikooyinka gudaha lagu isticmaalo waxayna ka imaan karaan alaabaha nadiifinta, alaabaha quruxda (tusaale ahaan, buufinta timaha iyo nadiifiyaha meekabka), cunta-karinta (tusaale ahaan, istoofka gaas ku shaqeeya, saliida cuntada lagu kariyo, digsiyada bakafsan oo waxba ku dhegin sida Teflon, iyo cuntooyinka la gubo, la solo, ama la shiilo), nadiifiyeyaasha hawada iyo alaabada kale ee udgoon sida shumaca, iyo qalabka wax lagu dhiso (tusaale ahaan, koollada, riinjiga, alwaaxda kuraasta, iyo alwaaxda derbiyada).

Hadda waxaan sahamin doonnaa waxyaalaha gudaha iyo bannaanka guriga ee saameeya tayada hawadaada gudaha.
Hagaajinta tayada hawada gudaha waxay ka bilaabataa bannaanka

Soo gelinta gurigaaga hawo cusub oo bannaanka kasoo gasha waa hal qaab oo aad ku yareyn karto heerarka wasakhowga hawada gudaha – laakiin ku-tiirsanaanta hawada bannaanka oo keliya waxaa laga yaabaa in aysan ku filnaan in si buuxda loo ilaaliyo caafimaadkaaga iyo kan qoyskaaga, khaasatan haddii hawada bannaanka ay sidookale wasakheysan tahay.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada musqusha.

Guji calaamadda casaan-khafiifka (pink) si aad u aragto sida musqushu u ekaato markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada qolka jiifka.

Ku dulqabo calaamadaha casaan-khafiifka si aad u aragto sida qolka jiifka u ekaado markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada qolka ciyaarta.

Ku dulqabo calaamadaha casaan-khafiifka si aad u aragto sida qolka ciyaarta u ekaado markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada dariiqa iridka.

Ku dulqabo calaamadaha casaan-khafiifka si aad u aragto sida dariiqa iridka u ekaado markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada qolka fadhiga.

Ku dulqabo calaamadaha casaan-khafiifka si aad u aragto sida qolka fadhiga u ekaado markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada gudaha jikada.

Ku dulqabo calaamadaha casaan-khafiifka si aad u aragto sida jikadu u ekaato markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada qeybta hoose (basement).

Click on the piKu dulqabo calaamadaha casaan-khafiifka si aad u aragto sida qeybta hoose u ekaato markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro. nk icon to see what the basement looks like when air pollutants are removed.

Ku dulqabo calaamadaha buluuggaa si aad u aragto sida aad u hormarin karto tayada hawada ee qolka dhar-dhaqista.

Ku dulqabo calaamadaha casaan-khafiifka si aad u aragto sida qolka dhar-dhaqista u ekaado markii walxaha hawada wasakheeya laga saaro.

Asbaab kale oo gurigaaga ka baxsan baa sidookale ka qeybqaadan kara tayada hawada liidata taasoo soo geli karta gudaha.

Markii tayada hawada bannaanka xuntahay, ka fakar qaadashada tillaabooyinka soo socda:

  • Daaqaduhu ha xirnaadeen
  • Isticmaal aalad hawo sifeyn oo la qaadi karo (sida qalabka hawo sifeynta HEPA, ama Sifeeye marawaxad sanqduuq DIY ah)
  • Haddii aad haysatid nidaamka hawo qaboojinta, ku cusbooneysii nidaamkaaga sifeeyaasha MERV-13 ama mid ka sarreeya, oo ku shaqeysii nidaamka hannaanka dib-u-wareegga si hawada bannaanka oo wasakheyn bannaanka guriga loogu hayo

Mashruucaan waxaa lagu suurtageliyay lacag ka timid Public Health (Caafimaadka Dadweynaha) - Seattle & King County's Climate & Health Equity Initiative, iyo National Association of County iyo City Health Officials (NACCHO), oo taageero ka helay the Climate & Health Program & Health Program ee Xarumaha Xakamaynta Cudurrada & Kahortagga (CDC). Sawirrada waxaa sameeyay What Else Designs. Macluumaadkii ugu dambeeyay ee tayada hawada bannaanka ee aagaaga, u booqo bogga khadka Hay’adda Hawada Nadiifkaa ee Puget Sound: https://www.pscleanair.gov/ (ku qoran Ingiriis iyo Isbaanish keliya)